Saraakiisha ciidamada Dowlada Nigeria ayaa shaaciyey iney Somalia u soo dirayaan askar ka qeybqaata sugidda Ammaanka doorashooyinka dalka somaliya ka dhacaya .
Iskasta oo ay horey u ga joogeen somaliya ciidamo gaar ah ayaa hadana waxay ku yaboohday ciidamo gaarya 140 askari oo ka socda dalkeeda waxayna sidoo kale tababaro la xiriira habka loo sugo amaanka doorashooyinka siinaya ciidanka Booliska Soomaalida.
Naajeeriaya ayaa Noqoneysa wadankii ugu horeeyey ee ka jwaabay dalabkii AMISOM horey u codsatay Kumanaan Askari oo dheeraad ah oo ka kala yimaada dalalka Afrika si ay uga qeyb galaan weerar ay ku doonayso inay ku qaadaan Goballadda ay Xarakadda Alshabaab ku sugan yihiin si looga hortago in Al-shabaab ay weeraro khatar ah geystaan xiliga doorashooyinka.
Afhayeenka AMISOM, Joe Kibet ayaa sheegay in Ciiddanka AMISOM muhiim u yahay Sugidda Ammaanka Doorashadda ka dhacayso Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray inay Al-shabaab ka saareen Muqdisho, balse aysan AMISOM weli ku guuleysanin inay Alshabaab ka saaraan Dooxadda Jubba, Goballadda Bakool iyo Hiiraan iyo dhamaan degaanadda ku teedsan Xeebaha.
Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay weeraro culus fulin doonaan muddada ay Doorashooyinka ka socdaan Somalia, waxayna xuseen inay doorashaddan tahay wax ay reer Galbeedku wataan oo aaney dan ugu jirin Soomaalida.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0