Home Afsomali Ciidamada Ukraine oo gacanta ku dhigay Krasno Yartsev, isagoo dhaawac ah

Ciidamada Ukraine oo gacanta ku dhigay Krasno Yartsev, isagoo dhaawac ah

Ciidamada Ukraine ayaa qabtay duuliye Ruush ah oo horay uga qayb galay duqeymihii ka dhacay Suuriya. Bashaar al-asad ayaa gudoonsiiyey Bilad iyo hadiyado maadaama isagoo difaacaya xukunkiisa uu  xasuuqay shacabka Suuriya.

Duuliyahan waxaa  lagu magacaabaa Krasno Yartsev ayaa la qabtay kaddib markii la soo riday diyaaraddii uu ku duqeeynaayey Dalkaasi Ukraine.

Dhawaan ayay ciidanka Ukraine dileen Janan sare oo Raashiya u dhashay,  kaasoo horey uga howlgalayey Siiriya.

Wasaaradda gaashaandhigga Ukraine ayaa shaacisay warbixinteeda maalinlaha ee ku saabsan dagaalka Ukraine, waxayna sheegtay iney burburisay 88 kamid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka tan iyo markii uu bilowday dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.