Home Afsomali Shir looga hadlayay Abaaraha iyo macluusha dalka oo ka dhacay Muqdisho

Shir looga hadlayay Abaaraha iyo macluusha dalka oo ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay shir ay yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardar gelinta howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ugu baaqay Guddiga inay dardar geliyaan howlaha loogu gurmanayo dadka ay saameeysay abaarta.

Degaano iyo degmooyin kamid ah Soomaaliya ayaa xilligaan dadka iyo Duunyada kunool waxaa saameeysay abaar daran oo kajirta, iyaga oo aan helin gurmadkii loo baahnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.