Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa lagu arkay meelo kamid ah Ciidamo ka gadoodsan in kursi kamid ah Golaha Shacabka loo xiray musharrax gaar ah, kuwaas oo sheegay inay kasoo horjeedaan.
Ciidamada oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu arkay gudaha Magaalada Beledweyne, iyaga oo sheegayay in marnaba aysan aqbaleyn in kursiga Hop#010 loo xiro musharrax gaar ah, waxaana kursigaas ku fadhiya Cabdisiaaq Maxamed (Jindi).
Qaar kamid ah horjoogayaasha Ciidamada oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay doonayaan in kuraasta taalla Beledweyne si xor iyo xalaal ah loo qabto, isla markaana qof walba oo kuraasta doonayo uu u taryamo.
Waxaa ay sheegeen in ay maqleen in kuraasta qaar dad loo xiray, hayeeshee taasi ay ka xigaan inay dagaalamaan, waxaana baaq ay u direen Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe iyo kuxigeenkiisa.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Beledweyne laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo Ciidan kadib markii ay soo baxeen in kuraasta qaar loo xirayo musharrixiin gaar ah oo ay wataan Madaxda Sare ee Maamulka Hir-Shabeelle.