Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba Nin oo Duhurnimadii maanta lagu dilay nawaaxiga Haanta Dheer degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Ragga la dilay ay xirnaayeen dareeska Ciidamada dowladda, hub ay siteena laga qaatay, halka war kale ay sheegayaan in ay ahaayeen dad shacab ah oo ku sugnaa xaafadaasi Haanta-Dheer.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ragga dilka geystay ay ku labisnaayeen dharka Ciidamada dowladda, kuwaas oo la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen.
Mana jiro illaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi oo ku aadan dilalkaasi.
Balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyay halkaasi, inkastoo saraakiishu wax faah faahin aysan ka bixin howlgalladaasi.