Home Afsomali Ciidamoka wada tirsan kuwa dowlada  Askarna isaga dilay Magaalada Marka oo Xabsiga...

Ciidamoka wada tirsan kuwa dowlada  Askarna isaga dilay Magaalada Marka oo Xabsiga la dhigay 

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay askar ka wada tirsan ciidanka dowladda oo shalay israsaaseyn dad ay ku dhinteen ku dhexmartay magaalada Marka oo ah Xarunta Gobolka Shabeelllaha Hoose.

Afhayeen u hadlay Booliska Soomaaliyeed  ayaa sheegay in  xilligaan aan la aqbaleyn in la isku dilo aanooyin qabiil oo laga gudbay, isaga oo cadeeyay in baaris lagu bilaabay dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ragga isku rasaaseeyay Magaalada Marka hadda ay kujiraan Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da dhawaana ay ku eareejinayaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida si ay u billowdo dhageysiga Maxkanadeyn tooda.

Ugu dambeyn Afhayeenka  ayaa uga digay Ciidamada inay hubkooda u adeegsadaan Aano qabiil, isla markaana ay muhiim tahay in si Nabadgalyo ah lagu wada noolaado.

Is rasaaseyntii shalay ka dhacday Magaaaada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku dhintay laba Askari oo katirsan Mabadsugoda Magaalada halka mid kale uu ku dhaawacmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.