Home Afsomali Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM oo alshabaab kala wareegay deegaanka basra

Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM oo alshabaab kala wareegay deegaanka basra

A soldier of the Somali National Army (SNA) at Jazeera Training Camp in Mogadishu. He was part of a group of SNA soldiers who completed training in military intelligence and the Non-Commissioned Officers’ course on 25 March 2015. AMISOM Photo / Raymond Baguma

Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM oo alshabaab kala wareegay deegaanka basra

Howlgallo militari oo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa la sheegay in lagu bartilmaameed saday Xubno katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo gacantooda ka baxay deegaanka Basra.

Deegaanka Basra ayaa waxaa gacanta ku hayay Al-Shabaab, waxaana ay ahayd saldhigii ay ka soo abaabuli jireen weerarada ay la beegsan jireen  AMISOM, Ciidanka xoogga dalka iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Hawlgalkii wadajirka ahaa ayaa waxaa fuliyay Guutada Eagle Guutada XDS, oo ay taageerayaan ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda iyo Burundi.

“AMISOM waxay diyaar u tahay inay sii wado la shaqeynta ciidamada XDS ee hoos u dhigista Al-Shabaab iyo inay la wareegto degaano badan si ay u ilaaliso dadka iyo fidinta maamulka dowladnimo,” ayuu yiri ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (DRC). Simon Mulongo, oo ka falcelinaya hawlgalkii Basra.

“Guud ahaan Soomaaliya, Al-Shabaab waxay lumisay gacan ku heynta dhul ballaaran, taasoo ka dhalatay geesinimada, naf-hurnimada iyo howlgallada wadajirka ah ee u dhexeeya ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM. Marka la eego fikraddayada howlgallada, waxaan horay u sii wadeynaa hoos u dhigista Al-Shabaab oo aan cagta saarayno,” ayuu raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.