Home Afsomali Ciidanka dowladda oo sheegay in howlgal qorsheysan ay ku dileen Sarkaal Shabaab...

Ciidanka dowladda oo sheegay in howlgal qorsheysan ay ku dileen Sarkaal Shabaab ka tirsan

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dileen madaxii Al-Shabaab  u qaabilsanaa Jabhada Gobolada Baay iyo Bakool kadib howlgal ay ka sameeyeen Degaanka Ceel-Cuni oo qiyaastii 65-KM ujira Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.

Ninka ay sheegeen ciidanka in ay dileen ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Nuur Gacal oo magaciisa Afgarashada uu yahay (Sheekh Al-Sima).

Ciidanka ayaa sidoo kale dilay ku dhawaad 10 Maleeshiyaad ah sida uu Sida u sheegay Taliyaha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Col: Cali Xabad.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka bilowday gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.