Home Afsomali Ciidanka gaarka ah ee PMPF oo la wareegay xarunta Baarlamanka Puntland

Ciidanka gaarka ah ee PMPF oo la wareegay xarunta Baarlamanka Puntland

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa PMPF ee Puntland ayaa xalay saq dhexe la wareegay Xarunta Baarlamanka ee Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in askar si gaar ah u tababaran oo ka tirsan PMPF ay saqdii dhexe u daateen xarunta islamarkaana si buuxda ula wareegeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu Ciidanka amar ku siiyay inay la wareegaan Amniga xarunta Baarlamanka

Wararka qaar ayaa ku waramaya in xaruntaas loo qorsheeyey iney ku shaqeeyaan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland

Tallaabadan ayaa timid kadib markii la isku mari waayay wadahadal la doonayay in guddoonka Baarlamanku uu xarunta ku wareejiyo guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada.

Labada dhinac ayaa isku dhacay markii Madaxweyne Deni uu ka soo horjeestay muddo kororsi sanad ah oo ay sameysteen golaha Baarlamanka Puntland oo ka kooban ilaa 66 xubnood, waxaana arrintaas ka dhashay khilaaf iyo muran adag oo aan weli xal loo helin.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa diiday guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee uu dhawaan magacaabay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Siciid Cabdullaahi Deni.

Shir jaraa’id oo siyaasiyiintan ay qabteen ayay ku xuseen in doorashadu ay ku dhici doonto waqtigeeda, iyagoo ku baaqay in la xaliyo khilaafaadka, isla markaana la qabto doorasho xalaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.