Home Afsomali Ciidanka NISA oo qabtay baabuur qalab ku rarneyd iyo dad uu ku...

Ciidanka NISA oo qabtay baabuur qalab ku rarneyd iyo dad uu ku jiro nin Ajnabi ah

Ciidamada hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka  ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ku qabtay gaadiid ay ku rarnaayeen qalabka elektarooniga iyo dadkii la socday, kuwaa oo kusii jeeday deegaanno Al Shabaab maamulaan.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in ciidamada NISA qabteen saddex gaari oo ay ku rarnaayeen qalabka elektarooniga ah iyo sidoo kale sideed qof uu ku jiro nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Uganda.

Gaadiidka iyo dadka la qabtay ayaa la sheegay in ay kusii jeedeen deegaanno ay gacanta ku hayaan Al Shabaab, waxa ayna sirdoonka Soomaaliya tuhmayaan sida warbaahinta dowladda sheegtay in qalabka la qabtay Al Shabaab loo waday.

Ciidamada ayaana baaritaano dheeraad ah ku wada dadka ay qabteen iyo qalabka elektarooniga ah, waxaana jira tuhuno la xariira iyo dadka la qabtay qaarkood ay kusii jeedeen Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.