Home Afsomali Daafeed Gaari Miino dulmaray oo ay ku dhinteen 8 askari iyo taliyhoodii

Daafeed Gaari Miino dulmaray oo ay ku dhinteen 8 askari iyo taliyhoodii

toban askari ayaa ku dhimatay labo kalana waa ay ku dhaawacantay kadib markii gaari ay la socdeen ay la qaraxday miino lagu aasay meel ku dhow  degmada Wanla-Weyn ee gobolka Sh/hoose.

Ciidamada ku dhintey qaraxan ayaa waxaa ku jirey sarkaal magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Maxamed Caddow iyadoo ciidamadan ay ka soo ambabaxeen saldhigga ciidamada cirka ee Ballidoogle kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Dhammaan askartii saarneyd gaariga miinada la qaraxday ayaa noqday wax dhintey iyo wax dhaawcmay iyadoo meydadka iyo dhaawacaba la geeyay xerada Balidoogle.

Ciidanka dowladda ayaa gurmad ahaan u tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana howlgal ay sameeyeen ku soo qabteen hal ruux oo tuhun ah, kaasi oo ay baaritaano ku socdaan.

Qaraxan ayaa yimid maalin kadib markii qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa uu isku dhex qarxiyay suuqa lagu iibiyo qaadka ee magaalada Wanla-weyn waxaana ku dhinty illaa 14 ruux halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.