Home Afsomali Daalibaan oo ku keenkeentay haweenka Afghanistan Amarna Duldhigay

Daalibaan oo ku keenkeentay haweenka Afghanistan Amarna Duldhigay

Kooxda Taliban ayaa Haweenka shaqeeya ee ku nool Afghanistan ku  amaryay inay guryaha joogaan ilaa laga sameynayo qorshe lagu hubinayo ammaankooda, sida uu weriyeyaasha u sheegay afhayeen u hadlay Taliban.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kabul, ayaa afhayeenka Taliban wuxuu sidoo kale kaga hadlay daad-gureynta uu Mareykanku horkacayo ee ka socota caasimadda, Kabul

Mar uu ka hadlayay xaaladda haweenka Afghanistan, ayaa wuxuu sheegay in xayiraaduhu ay yihiin kuwo muddo gaaban jiraya.

“Ciidamadeenna ammaanka uma tababarna sida loola dhaqmo haweenka – sida loola hadlo qaar ka mid ah haweenka, Ilaa aan qorshe ammaan oo buuxa ka sameyneyno, waxaan haweenka ka codsaneynaa inay guryaha joogaan.  ayuu yiri Mujahid. ”

Taliban, oo soo rogtay shuruuc adag markii hore ee ay heysay talada Afghanistan kahor 2001, ayaa sagaal maalmood kahor gacan buuxda ku dhigay dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay jiraan warar “la isku halleyn karo” oo tibaaxaya tacaddiyo ay Taliban geysteen, sida xayiraado ay ku soo rogeen haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.