Home Afsomali Daawo:- lafatagreen oo lagu eedeeyay in uu beegsi gaar ah ku haayo...

Daawo:- lafatagreen oo lagu eedeeyay in uu beegsi gaar ah ku haayo mucaaradka Maamulkiisa

Xildhibaan hore Xasan Black oo kamid ahaa Baarlamaankii hore ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul uga hadlay muddo kororsiga Madaxweyne laftagareen iyo Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Baydhabo.

Xildhibaan hore Xasan Black oo wareysi siiyay Radio Risaala waxaa uu sheegay in muddo kororsi la sameysto ay u baahan tahay jadwal iyo shuruudo la raaco, isla markaana waxkasta ay ka horreyaan in dastuurka la waafajiyo, balse aan la sameyn hebel ayaan jeclahay iyo hebal ayaan necbahay.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dhowr jeer ay madaxweynaha Koonfur Galbeed kala hadleen in la joojiyo muddo kordhinta balse uu ka diiday, taasina ay dhibaato kale tahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com