Home Afsomali ( DAAWO SAWIRADA )Kulan Duco iyo Salaan Daarran ayaan caawa Hoyga uu...

( DAAWO SAWIRADA )Kulan Duco iyo Salaan Daarran ayaan caawa Hoyga uu ka dagganyahay magaalada Muqdisho ugu tagnay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Kulan Duco iyo Salaan Daarran ayaan caawa Hoyga uu ka dagganyahay magaalada Muqdisho ugu tagnay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Guddoomiyaha waxaan Eebe SW uga barinay in uu la garabgalo xilka ixo shaqada adag ee uu dhawaan u magacaabay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
           Waa Kuma Guddoomiye Muungaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) u magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.
Guddoomiye Mungaab ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya, asagoo soo noqday Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Wasiiru Dowlaha wasaaradda Cadaaladda.
Xasan Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale muddo dheer wuxuu ka soo shaqeeyay Hay’adaha Garsoorka Dalka iyo Safaarada Soomaaliya ee magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.
Dhanka waxbarashada, waa sharciyaqaan shahaada sare ee PHD ka qaatay Jaamacadda Omdurman ee dalka Suudaan, iyadoo sidoo kale dhammaan heerar kala ee jaamacadahana uu ku qaatay isla dalkaasi Suudaan.
Mungaab wuxuu sidoo kale muddo dheer ka tirsanaa bahda waxbarashada isagoo qayb ku lahaa dib u soo noolaynta waxbarashada dalka burburkii ka dib.
Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa lagu xasuustaa inuu shaqooyin badan oo wax ku ool ah uu ka soo qabtay Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida iyo Gobalka Banaadir.
Muuse Maxamuud Jiisow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.