Home Afsomali Dab Qabsaday Meherad ku taalla Xaafada Jig-jiga Yar oo la damiyey (...

Dab Qabsaday Meherad ku taalla Xaafada Jig-jiga Yar oo la damiyey ( DAAWO SAWIRADA )

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay Dab qabsaday Meherad lagu iibiyo Roodhida iyo Macmacaanka oo ku taala Xaafada Jigjiga yare ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay dabkaa ka xakameeyaan kuna hakiyaan halkii uu ka bilaabmay oo ahayd goobta lagu kariyo cuntada.

Dabkan ayaan sababin khasaare dhimasho iyo dhaawac toona, waxaana ciidamada Dab-demisku badbaadiyeen hanti aad u badan oo dhex taallay meheradaas.

Hawlgalkan waxaa u soo gurmaday Ciidamada Dab-demiska ee Taliska guud iyo Saldhiga Ciidanka ee Degmada Ibraahim Koodbuur.

Sababta dabkan gubtay ayaa ilaa hadda gacanta lagu hayaa, sidoo kale Maamulka Degmada ayaa iyaguna dhankooda  kala shaqeeyay ciidanka daminta dabkan.

Meheradan ayaa waxaa lahaa qolo ajaaniba oo u dhalatay waddanka Yemen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.