Home Afsomali Dad ku dhintay Doomo ay la socdeen oo ku degay xeebaha Talyaaniga

Dad ku dhintay Doomo ay la socdeen oo ku degay xeebaha Talyaaniga

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay in ka badan 30 kalena waa la la’yahay ka dib markii labo markab oo ay la socdeen tahriibayaal ay ku degeen jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Labadan doonyood ayaa la sheegay inay ka soo ambabaxeen magaalada dekedda leh ee Sfax ee dalka Tunisia, waxayna siday 48 iyo 42 qof, siday u kala horreeyaan.

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in ay soo saareen meydka haweeney u dhalatay dalka Ivory Coast iyo canugeeda oo hal sano jir ah.

Dhinaca kale, saraakiisha Tunisia ayaa sheegay inay maydadka 10 tahriibayaal ah ka heleen xeebta u dhow Sfax.

10-ka qof ayaa la helay intii u dhaxeysay Jimcihii iyo Sabtidii xilli ay socotay dabeyl laga yaabo in ay la degtay doonidii ay saarnaayeen, sida uu sarkaal Ciidan u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Maamulka Tunisia ayaa sheegay in magaalada dekedda leh ay tahay marin caan ah oo ay ka galaan muhaajiriinta doonaya nolol dhaanta tan ay hadda kujiraan.

Saraakiisha Sfax – oo qiyaastii 80 mayl (130km) u jirta jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga – ayaa sheegay inay ku hawlanaayeen sidii ay u ogaan lahaayeen dhalashooyinka muhaajiriinta, balse inta badan waxay ka yimaadeen dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

Maamulka Talyaaniga ayaa sheegay inay baarayaan shilalkaasi.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay inay badbaadiyeen 57 qof oo tahriibayaal ah, markii doontu ay ku degtay, meel qiyaastii 23 miles (46 km) koonfur-galbeed kaga beegan Lampedusa.

Mar sii horreysay, hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka, ayaa sheegtay in in ka badan 30 qof la la’yahay.

Masiibooyinkan ayaa daba socda musiibadii doon ka dhacday dalka Giriiga bishii June taasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 78 qof, boqolaal kalena la la’yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.