Home Afsomali Dowladda Soomaaliya oo Hay’ad Caalami ah kala hadashay gurmadka Abaaraha

Dowladda Soomaaliya oo Hay’ad Caalami ah kala hadashay gurmadka Abaaraha

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Mercy Corps Tijada D’oyenMckenna.

Ergeyga iyo Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyay hay’adda xaaladda guud ee Abaaraha dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa howlaha Gurmadka Abaaraha.

Labada dhinac ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay dardar gelinta howlaha Gurmadka Abaaraha iyo ka mira dhalinta barnaamijka la xariira adkaysiga iyo guud ahaan wada shaqaynta sidii dhaqaale dheeri ah loogu heli lahaa.

Ugu danbeyn, Madaxa hay’adda Mercy Corps oo ah hay’ad ka shaqeysa arrimaha gargaarka ayaa u ballan qaaday wada shaqeyn Ergeyga iyo Guddoomiyaha Wadashaqeyn buuxda.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaal ku aadan sidii indhaha Caalamka loogu soo jeedin lahaa Soomaaliya si loogu soo gurmado dadka ay saameysay Abaarta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.