Home Afsomali Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Burco

Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Burco

Shilka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay xilli dambe waxaa uu ka dhacay degaanka lagu Magacaabo Qoyta oo kuyaalla duleedka Magaalada Burco ee degaannada Somaliland.

Shilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii uu rogmaday Gaari nooca Soomaalida u taqaano Caasiga ama Homey, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Saddex Ruux halka 7 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo katirsan kuwa ilaalada waddooyinka iyo dadweyne farabadan ayaa gaaray halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo u gurmaday dadka Shilka ku waxyeeloobay, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Burco.

Dhowr jeer oo hore ayaa wadada ka baxda Magaalada Burco waxaa ka dhacay Shilal gaari oo ay ku dhinteen dad farabadan kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, iyada oo Maamulka Somaliland uu ku guuldareystay dhismaha wadadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.