Home Afsomali Dadka Bidaarta leh dad aaminsan in madaxoodu dahab ku jiro iyo digniin...

Dadka Bidaarta leh dad aaminsan in madaxoodu dahab ku jiro iyo digniin loo direy bidaarlayaashada dalkaas

Booliska Mozambique ayaa u digay ragga bidaarta leh in ay bartilmaameed u noqon karaa weeraro. Waxaa ay sheegeen sedex nin oo bidaar leh in lagu dilay dhawaan degmada dhexe ee Milange .Mid ka mid aha ayaa lagala baxay xubnaha jirkiisa.

Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in raggan bidaarta leh ay dileen dad aaminsan in madaxiisu ku jira dahab.

Laba qof oo falkan looga shakisan yahay ayaa la xiray oo labaduba ay dhalinyaro yihiin.

Waxa ay booliiska u sheegeen in jirka ragga bidaarta leh loo isticmaalo xafladaha islamarkana la rumaysan yahay in ay badinayso hantida.

Dhaqankan wali horay looma soo sheegin haseyeeshee waxaa jiray in la dilay dad badan al Albiinada loo yaqaaanno ee koonfurta iyo bariga Africa, gaar ahaan dalka Tanzania .

Qaybaha jirkooda ayaa waxa loo isticmaalaa dhaqan diimeed.

Waxa la rumaysan yahay in dadka gata ay u soo jiidaan nasiib wanaagsan iyo jaceyl .

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.