Home Afsomali Hindiya oo ogolaatay ugu danbeyntii in maxaabiista Soomalida ah ay dalkooda...

Hindiya oo ogolaatay ugu danbeyntii in maxaabiista Soomalida ah ay dalkooda ku wareejiso

Golaha wasiirrada ee dalka Hindiya ayaa maanta oo arbaca ah waxaa ay ogolaadeen in Maxabiista Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada dalka Hindiya lagu wareejiyo Soomaaliya si ay gudaha Soomaaliya xabsigooda inta ka dhiman ugu qaataan.

War Saxaafadeed soo baxay ayaa lagu sheegay in heshiis labada dal uu dhigayo maxaabiita Soomaaliya iyo kuwa Hindiyaba ay dalkooda xabsiga ku dhameystaan si ay u ag joogaan qoyskooda, una helaan iyo daryeel iyo dhaqan celin.

Heshiiska noocan ah waxaa uu sidoo kale Hindiya kala dhaxeeyaa dalalka: United Kingdom, Mauritius, Bulgaria, France, Egypt, Sri Lanka, Cambodia, South Korea, Saudi Arabia, Iran, Bangladesh, Brazil, Israel, Bosnia & Herzegovina, UAE, Italy, Turkey, Maldives, Thailand, Russian Federation, Kuwait, Vietnam, Australia, Hong Kong, Qatar, Mongolia, Kazakhstan, Bahrain iyo Estonia.

2004-tii, wixii ka horeeyay Hindiya kama jirin xeer qeexaya in Maxaabiis dal kale laga qaadi karo India ama in qaar dalkaasi u dhashay dib loo soo celin karo si dalkooda ay xabsiga ugu dhameystaan.

Maxaabiis badan oo Soomaali ah, kuna jiraan burcad badeed ayaa ku xiran dalka Hindiya, laba oga sida uu hadalkan golaha wasiirrada u dhaqan geli doono iyo goortaba, laakin waxaa hubaal ah haddii ay sidaa dhacdo in intaasi ay noqon doonto guul diblomaasiyadeed.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.