Home Afsomali Dadkii ka barakacay degmada Ceeldheer oo billaabay inay dib ugu soo laabtaan

Dadkii ka barakacay degmada Ceeldheer oo billaabay inay dib ugu soo laabtaan

Qaar kamid ah dadkii Shacabka ahaa ee isaga baxay degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ka hor inta aysan la wareegin Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay inay dib ugu soo laabtaan degmada, halkaas oo ay hadda gacata ku hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya dadka degaanka.

Dadka ka barakacay degmada ceeldheer ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa duleedka degmada kadib amrkii kal hore ay Al-Shabaab ku amreen inay isaga baxaan degmada Ceeldheer oo dagaal la’aan ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Galmudug iyo Xildhibaano heer federal oo maalmahaan ku sugan degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa dib u dejin u sameeyay daka dib ugu soo laabanaya degmada Ceeldheere.

Wasiir dowlaha Wasaarada Amniga Galmudug Cabdullaahi Shiino iyo  Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug oo kala ah Nuur Cali Caddow iyo Xildhibaan Cabdilaahi Abuukar owcali oo dadka dib u soo laabanaya kusoo dhaweeyay Ceeldheer ayaa sheegay in hadda amniga degmada ceeldheer uu yahay mid wanaagsan, isla markaana dadka weli barakaca uga maqan ay dib ugu soo  celin doonaan.

Degmada Ceeldheer ee Gobolka GGalgaduud ayaa waxaa ay kamid yahay degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga saaray Ururka Al-Shabaab, waxaana badi ka maqnaa dadkii deganaa oo ay horay u sii wateen Al-Shabaab markii ay isaga baxyeen balse billaabay inay dib ugu soo laabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.