Home Afsomali Sadax Darawal oo Muqdisho lagu dilay & bannaabax ka dhashay

Sadax Darawal oo Muqdisho lagu dilay & bannaabax ka dhashay

Askari katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta waxaa uu Isgoyska Holwadaag ee Magaalada muqdisho uu kudilay Wiil Dhalinyaro ahaa, kaas oo ku Shaqeysanayay Mooto Bajaaj kadibna uu goobta ka baxasaday.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xeyle iyo Askariga ayaa waxaa dhexmaray muran sida ay goobjoogayaal sheegeen, waxaana Maxamed Xeyle xilliga la dilayay uu mootada ku waday Hooyadiis iyo Walaashiis.

Qaar kamid ah Ehelkiisa ayaa sheegay in Maxamed Xeyle oo kamid ahaa dhalinyarad kunool Xaafadda Gubta ee degmada deeyniile uu dhawaan ka qalin jebiyay mid kamid ah Jaamacadaha Muqdisho, balse markii uu Shaqo ka waayay muqdisho ay ehelkiisa u iibiyeen Mooto Bajaajta.

Dilka darawalka Bajaajlaha kadib ayaa qaar kamid ah wadayaasha mooto bajaajta ee goobta ka agdhowaa waxaa ay sameeyeen bannaanbax carro leh oo ay uga soo horjeedaan dilka Maxamed Xeyle, iyaga oo dalbaday in si deg deg ah cadaaladda loo horkeeno askarigii dilka geystay.

Muddo saacad ka badan waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo  Gaadiidka ee Isgoyska Howl-wadaag sababo la xiriira bannaanbaxa ay dhigayeen Mooto Bajaajeeyda, waxaana Magaalada muqdisho si caadi ah uga dhaca mar walba dilka loo geysto Dhalinyarada ku Shaqeysata Mooto Bajaajta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.