Home Afsomali dagaal Culus oo hada ka socda Beerxaani iyo qasaare ka dhashay

dagaal Culus oo hada ka socda Beerxaani iyo qasaare ka dhashay

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore weerar culus ku qaaday deegaanka Beerxaano ee kuyaalla koonfurta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sida aan wararka ku heleyno Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku lahaayeen deegaanka Beerxaano oo qiyaastii 30-km u jirta magaalada Baledweyne.

Dagaal culus oo saacado socday ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaano, waxaana wararku sheegayaan in Al Shabaab gudaha u galeen deegaanka ay saacado kula dagaalamayeen ciidankii halkaasi joogay.

Wararka kusoo kordha kala socda www.somalisan.com

https://youtu.be/SSaAI1KAeCk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.