Home Afsomali Guddiga Doorashada KGS Oo Ka Hor Yimid Go’aankii Kasoo Baxay Guddoonka FEIT

Guddiga Doorashada KGS Oo Ka Hor Yimid Go’aankii Kasoo Baxay Guddoonka FEIT

Guddiga doorashada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in qabanayaan doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, kuwaasi oo Guddoonka guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay sheegeen in doorashada Kuraastaasi dib loogu laaban doono.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddiga doorashooyinka KGS ayaa waxaa lagu sheegay in horay loo fasaxay kuraastaasi, haatanna aysan jirin sabab mar kale dib loogu laabto.

“Kursiga HOP#103 horaa loo fasaxay, HOP#154 cid ka dacwooneysa lama haayo, Guddiga FEIT ha ka shaqeeyo danaha ummada, doorashada carqalada halaga daayo” ayaa lagu yiri qayb ka mid ah Qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashada Koofur galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.