Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa uu markale ka dhacay degaanka Kabxanleey ee Waqooyiga Magaalada Beledweyne, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka oo daba socda mid shalay Gelinkii hore ka dhacay degaanka Kabxanleey ayaa wararka horudhaca ah ee la helayo waxaa ay sheegayaan in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 5 ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in maleeshiyaadka dagaalamay qaarkood ay gubeen Guryo iyo beero ay lahaayeen dad Shacab ah, sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa uu Baaq Nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir Muqtaar ayaa waxaa lagu dalbaday in maleeshiyaadka dagalamaya ay si shuruud la’aan ah dagaalka u joojiyaan.
” Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha wuxuu ka dalbanayaa Duubabka, Odayaasha dhaqan,
Culimaa’udiinka, Ganacsatada, Aqoonyahanada, Dhalinyarada, Ururrada
Haweenka iyo Guud ahaan Waxgaradka Deegaanka in ay u kacaan joojinta
dhiigga dadka walaalaha ee ku daadanaya Deegaanka Kabxanleey kaasoo
noqday mid soo noq-noqday ayaa lagu yiri” Qoraalka.
Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay fidinta Gogosha heshiisiinta walaalaha wada daga degaannadaas, iyo Guud ahaan heshiisiinta meelaha colaadaha ka dheceen ee heshiiskoodu wali qabyada yahay, Iyadoo kaashanaysa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda
Federaalka Soomaaliya.
Dagaalka ka dhacay degaanka Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay noqday mid soo laab laabta, iyada oo aysan jirin cid kala dhex-gashay marka laga reebo qoraalo baaq ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya & Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.