Home Afsomali Dagaal Qasaare geystay oo Balcad ku dhaxmaray Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab

Dagaal Qasaare geystay oo Balcad ku dhaxmaray Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo aroornimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe iyada oo lasoo sheegayo in uu khasaaro ka dhashay.

Dagaalka ayaa yimid sida wararku ay sheegayaan kadib markii Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidamada Milatariga Soomaaliya ay halkaasi ku leeyihin halkaas oo uu ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa  shegay in Alshabaab ay ka yimadeen dhinaca wadada aadda degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha hoose mudda saadac ahna uu dagaalku socday.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in a howlgal ka wadaan goobtii uu dagaalku ka dhacay,ilaa iyo haatana ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.