Dagaal culus ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu ku dhexmaray degaanka Ceeleey oo Hoostaga Degmada Maxaaas ee Gobolka Hiiraan Ciidamo katirsan maleeshiyaadka macawiisleyda iyo Xubno kamid ah Ururka Al-Shabab.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen degaanka Ceeleey oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka degaanka ee Macawiisleyda, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo soo bilaawday shalay Gelinkii dambe, Isla markaana soo gaaray xalay.
Qaar kamid ah Horjoogayaasha macawiisleyda ayaa waxaa ay sheegeen inay dagaalka Al-Shabaab ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan, sidoo kalena dhankooda uu soo gaaray gurmad uga yimid dhinaca Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Maxaas.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisado colaadeed iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay kajiraan degaano badan oo katirsan Gobolkaas.