Dagaalka ka socda Hotel Xayaat waxaa ka daran kana xanuun badan Aamusnaanta Madaxda ugu sareysa Dowladdda Soomaaliya iyo Saraakiisha gacan bidixeenayo inay hogaamiyaan dagaalka.
Xitaa waxaa laga la’yahay Cambaareyn iyo tacsi.
Weerarradii horay uga dhacay Muqdisho waxaa muuqata in aan weli waxba laga baran!
Marka uu dhaco weerar la mid ah kan ka
dhacay hotel Xayaat, waxaa loo baahanyahay in ay si wadajir ah u shaqeeyaan, laamaha nabadgelyada, waaxda caafimaadka iyo saxaafadda, si loo helo isku xirnaan buuxda loona gaaro waxqabad badan. Illaa iyo xalay ma dhicin in booliska Soomaaliyeed la hadlaan umadda iyaga oo howsha socota uga warramaya warbaahinta.
Weeraradii ka dhaca dalalka daruufahan oo kale wajahay, waxaa jira hannaan loo maareeyay dadkuna ay ku helaan xogta iyaga oo guryahooda jooga—Tusaale, weerradii ka dhacay Nairobi, boolisku waxa uu saacad walba warbaahinta la wadaagayay halka ay wax marayaan, taliyaha booliska ayaa hortaagnaa saxaafadda, si loo muujiyo in Qaranku uu wajahayo xaalad adag, oo u baahan in loo midoobo.
Saxaafaddu waxay helayeen xog sugan oo accurate ah oo ku saabsan tirada dhimashada, dhaawaca, bur-burka hantida iyo tirada dadka weerarka qaaday, hor’umarka uu sameynayo gurmadka iyo inta qof ee lasoo badbaadiyay. Arrimahaasi oo dhanna waxaa horseedayay in dowladdu ay qaadato hoggaanka iyo isku xirka howsha socota.
Nasiib-darro, Soomaaliya oo ay mar walba ka dhacaan weerarrada noocaan ah “complex attack”, weli wax badan ma muuqdaan in ay inoo kordheen—Waxaana la baraarugaa marka xaalad adag bartanka loo galo. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumadda Dan qaran ee Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre waa in ay wax badan ka fahmaan in sida wax loo maareeyay weerarka lagu qaaday hotel Xayaat uusan sax aheyn, qorshe Qaran oo amniga xaaladaha deg degga ah la sameeyo.