Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa wadada u galay Gawaari xamuul ah oo raashin Ganacsi geeyay magaalada go’doonsan ee xudur Xarunta Gobalka Bakool ee koofurta Soomaaliya.
Masuuliyiinta Gobalada Hiiraan iyo Bakool ayaa sheegay in Al-Shabaab ay wadada u galeen 13 Gaari oo nuuca xamuulka ah, kuwaas oo raashin ganacsi geeyay magaalada xudur ee xarunta Bakool.
Gaadiidkaan ayaa loo galay inta u dhaxeysa Qurac Joome iyo Xudur oo ka tirsan gobalka Bakool waxayna gubeen 11 Gaari oo qaar ka mid ah Qarax lagu xiray halka ay ka baxsadeen 2 Gaari.
Gaadiidkaan oo raashin geeyay Xudur ayaa ka baxay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan oo ay raashinka Ganacsiga ka qaadeen, waxaana laga lahaa gobalka Hiiraan.
Dhinaca Kale Lix qof oo ka mid ah dadkii Gawaarida la socday ayaa la sheegay iney Al-shabaab toogtayn, waxaa ka badbaaday qaar kale oo ka mid ah Shaqaalaha Gaadiidkii ay shababa gubeeyn.