Home Afsomali Dal ku yaal laatiin America oo xus mowtakaal ah loo sameeyey dadkii...

Dal ku yaal laatiin America oo xus mowtakaal ah loo sameeyey dadkii dhintay

mowtada

Ka qeybgalayaasha damaashaadka xuska ayaa waddooyinka isugu soo baxay kuwaas oo sitay astamo muujinayey dareenkooda waxayna sidoo kala wadooyinka la marayeen buufinno iyo alaabooyin ay ka mid yihiin baambolayaal waaweyn.

Ciidanka iyo howlwadeenada Mexico ayaa sheegaya in fikraddan ah in jidadka loo soo baxo ay ka dhalatay muuqaallo ku jiray filimkii James Bond ee Spectre oo sannadkii hore lagu duubay magaalada Mexico City.

Fillimka waxaa ku jiray muuqaal ku saabsan James Bond oo qof sharwade ah ku dhex eryanaya dad wadooyinka dabbaaldeg ku samaynayey oo dharka ay xirnaayeen u ekaysiiyey qalfoof.

Saraaiisha waxay rajo ka qabaan in isu soo baxaan uu soo jiidan doono dalxiiseyaal badan oo magaalada yimaada.

Dhaqan ahaan, maalinta mowtada, qoysasku waxay ku xusaan magaalooyinka dibadooda oo maalintaas lagu cunteeyo, lana tago qabriyada ehelada, ama asnaam la xardhay oo guryaha la keensado.

Xuskan loo bixiyey maalinta mowtada ayaa waxaa teleshinada toos uga daawanayey kumanaan qof, wuxuuna noqday mid la lab leh oo soo jiitay indhaha dad badan oo caalamka ku baahsan.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

More VIDEOS https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.