Brussels – January 14, 2024
Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Midowga Yurup iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool Yurup oo ka wada hadlay sida dalalka Yuruo looga dhiga lahaa Banaabax looga soo horjeedo Damaca Gurcan ee Etoobiya
Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde) Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalalka Benelux iyo Midowga Yurub, ayaa kulan isugu yeeray Xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg ee la isku yirahdo Benelux⁸ iyadoo laga jawaabayo baaqii uu Madaxweyna JFS Mudane Dr. Xassan Sh. Maxamuud uga dalbaday Qurbajoogta Soomaaliyeed inay gutaan doorka kaga aadan Xadgudubka ay Ethiopia kula kacday Haybadda Dawladanimo iyo Madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Kulankan oo dhacay xurunta Safaaradda JFS ee Brussels, kana soo qeyn galayeen dhammaan masuuliyiinta Jaaliyadda. Sidoo kale, kulankaa waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan diplomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda JFS Magaalada Brussels
Ujeeddada kulanka oo ahaa in Qurbajoogta kunool wadamada Benelux iyo dhammaan Midowga Yurub ay is abaabulaan si ay Banaanbaxyo waa weyn oo ka dhaca wadamada Benelux iyo Yurub, si nabad ahna ugu muujiyaan inay ka soo horjeeda Daandaansiga Dowladda Ethiopia iyo damaceeda ku aadan xadgudubka Haybadda Dawladanimo iyo Madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Home Afsomali Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Midowga Yurup iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool Yurup...