Home Afsomali Daraasad ku saabsan Ragga bidaarta leh oo ay Dhawaan soo daabaceen qaar...

Daraasad ku saabsan Ragga bidaarta leh oo ay Dhawaan soo daabaceen qaar kamida Warbahi nada Caalamiga ah oo laga sameeyay Dalal dhawr ah baa sidan soo socota uqornayd.

 

Daraasad ku saabsan Ragga bidaarta leh oo ay Dhawaan soo daabaceen qaar kamida Warbahi nada Caalamiga ah oo laga sameeyay Dalal dhawr ah baa sidan soo socota uqornayd.

1. Dalka Turkimanistan looma ogola in uu nin ku guursado hal Xaas wax ka badan ilaa ninka bidaarta leh mooyee.

2. Dalka Brasil ninka marka uu gabar soo dono gabadha ninka laga soo doonay waxa uu ka codsadaa ninka gabadha soo doonay inuu tusiyo Madaxiisa hadii uu ninkaasi leeyahay Timo badana waxay uyaqaanaan in ninkaas uu ahayn nin Raganimo diisu badan tahay isla markaana leh Sifooyinka Dumarka mana jecla inay Gabdhahooda siiyaan badana Ragga timaha badan.

3. Dalka Os Pakistan ninka bidaarta leh waxaa gabadha la siiyaa Meher la’aan.

4. Dalka Argentin gabadha uu qabo ninka bidaarta leh waxay noqotaa gabadha ugu saraysa Magaalada ayadaana Maamusha gabdhaha kale sidoo kalena way ka sharaf iyo magac badan tahay gabdhaha kale ay qabaan Ragga timaha leh.

5. Dalka Australia waxay gabadha u ogol yihiin inay iskaga tagi karto Ninkeeda timaha badan leh hadii ay Jeclaato nin bidaar leh Amar la’aan amaba Furniin la’aan.

6. Dalka Finland gabadha sababta ugu wayn Ee ay Jaamacada ugu biirto maaha inay wax ka barato oo guul gaarto balse waa inay ka dhex hesho Jaamacada nin bidaar leh.

7. Dalka Indonesia ninka Xaakimka ah Ee isku meherinaya lamaanaha nolosha ku midoobaya waxaa Shardi ah inuu ahaado nin bidaar leh hadii kale Meherkaasi Ansax maaha.

8. Dalka Soomaaliya ninka bidaarta leh waxaa looga yaqaan nin Aqoon iyo Lacag badan leh.

Talo: Waxaan soo jeedinayaa in Aan Dalalkaas ka hormarno oo ninka bidaarta leh Ee Dalkeena Soomaaliya jooga la siiyo gabadha sidoo kale na loo Arooso oo loo biilo isla markaana meesha uu ka shaqeeyo isaga Madax looga dhigo dadka oo dhana ay Aad u ixtiraamaan una hogaan samaan ninka bidaar ta leh.

Hada Jaalle sidaas ula soco in bidaartu qiimo badan leedahay oo gabdhoow ninka bidaar leh hadaad aragtaan ku yaaca oo waxba ninkaas haku Xujaynina.

Fadlan halkan uga Wac Saaxiibkaaga bidaarta leh una sheeg inuu Xaquuq wayn leeyahay isla markaana Madaxa waxa ka dhalaalaya ay Macdan iyo Qayraad tahay.

Gaba gabo: Ragga Timaha Dhawranayoow Dhaqasho waa Bidaare Ogaada.

Xigasho: Bulqaas Abdirahman Aden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.