Home Afsomali Dad baa qaba in duqeyntii Gobolada waqooyi dowladii dhacday ku saxsaneyd

Dad baa qaba in duqeyntii Gobolada waqooyi dowladii dhacday ku saxsaneyd

Duqeyntii Hargeysa xaq beey ahayd sidaas waxaa yiri aqoon-yahan Maxamed Xayd oo kasoo jeeda Soomaaliland

Bal adna nala akhri sida ninkani u fekerayo ee aragtidaada nala wadaag.

Advertisement

Dawladdii Kacaanku waa ku saxsanayd in ay Hargaysa garaacdo si loo sugo midnimad dalka.

– 1961 waxa magaalda Addis Ababa garaacay dayaarado si loo ilaasho midnimada dalka’

– 20 20 waxa la garaacay Makele si loo hubiyo midnimada Ethiopia.

– 1960 ilaa manta waxa AFRICA la burburiay in ka badan 10 GOONIGOOSATO oo ay ka mid ahayeen Biokoda Camrroon, Zanzibarta Tanzania, Rusenzurer ida Uganda,Dafurta Sudan,W. Sahrada Morroco, Cusamance Senegal, Western Capeka South Africa, Biafrada Nigeria, iyo kuwo kale oo badan Goonigoosigaa dadkii ku kacayna abaalkooda baa la mariyay.
– Kuligood dhulka lala simay si loo ilaasho midnimada dalalkooda.

Ilaalinta midnimad dal waa muqadis, talaabadu Kacaanku ka qaaday ee Hargaysana sax bey ahayd. Nasiibdarada Somaalia haysata waa intii ka danbaysay Jaalle Moxamed Siyaad oo dalka ay hoggaaminayaan FULAyAAL oo dantooda ka horaysiinaya tan dalka iyo dadka. Waxa qarka loo saaranyahay in Somaalia noqoto dalal yaryar. In fulay hoggaan ku noqdo habaar ka weyni ma. Taariikhdu ma saamaxayso kuwa u hiilinwaayay midnimada ummadda Soomaaliyeed.

EEG qariiddada rinjiyada guduudan/cas kooxihii ku fashilmay kala goynta dalalkooda. Waxaan kaloo kuu raacinayaa Jabhadihii shuftada ahaa ee laga soo abaabulay waxaan nool SNM. Maalin walba waxay dhalaanka u sheegaaan waxaan jirin. Waligood kama hadlana waxtarka iyo mustaqbalka ummada waxay ka hadlaan. ALBAABKA BAANU KU JABINAY . SHABAAGRA BAANU U DAADANAY. Wali waxay ka dulbaroortaan Qabritada waxay nacladaan mowti waa hore xijaabatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.