Wararka naga soo gaaraya degaanka Kalabeyr oo kamid ah degaannada hoostaga magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaaro kala duwan.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha degaanka ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Miino la dhigay Goob Ganacsi oo dad badan ay ku sugnaayeen, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa Booliska Puntland ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, kuwaas oo hadda howlgallo kala duwan wada, si loo xaqiijiyo khasaaraha guud ee ka dhashay iyo sidii goobaha Caafimaadka loo geyn lahaa dadkii ku dhaawacmay.