Dawlada Deegaanka Somalida Ethiopia oo Degmooyin Cusub Magacawday oo ay ka mid tahay Degmada Bulladari Ee Gobolka Faafan
Agasimaha Warfaafinta Wasaaradda Gaadiidk iyo Duulista hawada Somalia Maxamed Cabdi Cismaan Faradheere ayaa bartiisa Bulsho qoraalkan ku daabacay waxaana uu ku xusay inay tahay degmo mudnayda mar hore waxaana ku sheegay inay tahay halka qoyskiisu ka soo jeedaan waxaana yidhi Faradheere sidan
Waxaan Madaxwaynaha Dawlada Deeganka Somalida Mudane Mustaf muxumed cumar ugu hambalyeynayaa in Degmo loo aqoonsado buladari oo ka mid noqonaysa Degmooyinka Gobolka.
Waxaan faraxad wayn inoo ah in la inoo aqoonsaday Waxaana Ku mahadsan Masuuliyiinta beesha reer xildiid Guled jamac ee ku matala Degaanka iyo waxgaradka beesha oo dadaal badan galiyey in maanta ay hirgasho Guushan waxaana door kooda la halmaami karin Ganacsatad iyo qurba joogata oo hormarinta sida ay uga hirgaliyeen Cafimaadka waxbarashada oo ay Dawladuna doorkeeda lahayda hambalyo.
Degmada Buladari waxay qayb ka qaadanaysaa dhaqaalaha maadama ay hodan ku yihiin tuulooyinka hoosyimaada xoolaha iyo dhulbeered iyo macadanta.
#Degmada_buladari