Home Afsomali DFS iyo Beesha Caalamka oo kulan ka yeeshay xasilinta degaannada laga saaray...

DFS iyo Beesha Caalamka oo kulan ka yeeshay xasilinta degaannada laga saaray Al-Shabaab

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay Kulan Heerkiisu Sarreeyo oo looga hadlayo Xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga saaray Ururka Al-Shabaab.

Shirkan ayaa inta uu socdo lagu lafa-gurayaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay wali ku harsan yihiin Al-Shabaab  iyo sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey.

Mudane Saalax oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii laga saaray Al-Shabaab  ee u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xoreynta iyo Xasillinta dalku ay yihiin arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isagoo la wadaagay saaxiibbada Caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.