Home Afsomali Dhagar qabihii ka tirsanaa ciidamada Puntland ee Gabadha 16 jirka aheyd farjiga...

Dhagar qabihii ka tirsanaa ciidamada Puntland ee Gabadha 16 jirka aheyd farjiga iyo wajiga ka xabadeeyey oo warbaahinta loo soo bandhigay ( DAAWO SAWIRADA )

Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland ayaa  markii ugu horeysay sheegay in ay soo qabtayn Askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland oo dhibaato ka soo geystay magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari kaas oo maalmihii la soo dhaafay ku dhuumaaleysanayay deegaanada Jubbaland.

Korneel Cabdi Naasir Taliyaha Booliska Jubaland ayaa oo  wariyaasha kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in ay soo qabteyn Eedeysane C/qaadir Warsame Axmed oo ku eedeeysnaa in 27-ka bisha October ee sanadkan uu isku dayay in uu kufsado Gabar 15 jir ah markii ay u suurta gali weysayna uu rasaas kaga dhuftay ILMO galeynka falkaas kadibna  soo baxsaday deegaanada Puntland.

Askarigan oo magaciisa la yiraahdo Cabduqaadir Warsame ayaa xabad kaga dhuftay xubinta taranka gabar Faa’izo la yiraahdo oo 16 jir ah ka dib markii ay iska caabisay kufsi uu damacsanaa inuu kula kaco, waxaana haatan gabadhan lagu daweynayaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa horey u sheegay in sharciga la horgeyn doono askariga ka tirsan ciidamada maamulkiisa ee dhibaatada arxan darada ah kula kacay gabadha 16-ka jirka ah, lana marin doono ciqaabta uu mudan yahay.

Gabadha dhaawaca oo ku jirta xaalad halis ah ayaa xiligaan lagu dabiibayaa Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho balse dhaqaatiirta ku howlan daryeelkeeda ayaa soo sheegayo in ay ka soo rayneyso sidii ay aheyd markii la dhaawacay.

Nin kan oo u soo baxsaday dhinaca Jubbaland ayaa ciidamada amaanka oo ka warhelay, muddana ku raad joogay waxay maanta gacanta ku soo dhigeen asagoo ku mirqaamaya deegaanka Qandal. Laamaha amaanka Jubbaland oo isticmaalaya sirdoon kooda ayay u suuro gashay in dhagar qabaha la soo xiro.

Eedeeysanaha ayaa saaka lagu soo bandhigay xarunta Booliska Jubaland, ayadoo saraakiisha ciidamadu ay sheegeen in ay u suurogashay in ay ninkani gacanta ku dhigeen kadib markii ay heleen xog ah in uu yimid Kismaayo.

Hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka iyo qaar kamid ah ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay falka kufsiga ah ee loo geeystay gabadhaasi Soomaaliyeed, wallow ilaa hadda aysan maxkamadi xukun ku ridin eedeeysane C/qaadir Warsame Axmed.

Jubbaland ayaa sheegtay in ninkaan ay u gacan gilin doonto Maamulka Puntland maadaama deegaanadooda ay ka dhacday dhibaatada lagu soo eedeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.