Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka dhacay arin naxdin leh, taas oo ah in nin uu toorrey ku diley haweeney uu horey u furay.
Dilkan naxdinta leh ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana haweeneyda toorreyda lagu dilay lagu magacaabaa Samsam Cabdi Waaxid.
Lama oga sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya dilka uu ninkan u geystay haweeneydan, waxaana illa iyo hadda jirin warar xaqiijinaya in gacan ku dhiigla ah gacanta lagu dhigay.
Halkan ka dhagayso Haweeney Toorrey Lagu dilay