Home Afsomali Dhageyso Afhayeen Sheikh Cali Dheere Waxaan AMISOM kaga dilnay 39 Askari...

Dhageyso Afhayeen Sheikh Cali Dheere Waxaan AMISOM kaga dilnay 39 Askari Inta u dhaxeysa Shalaamboo iyo Buulo Mareerto

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Ragge (Cali Dheere) ayaa  hadlay kadib 4-todobaad  kahor markii ay soo baxeyn warar ku aadan in lagu dilay duqeyn ka dhacday tuulada Kuunyo Barow Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Cali Dheere oo la hadlayay warbaahinta Xarakada Al-shabaab ayaa ugu horeyntii ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka  Golweyn  ee Gobolka Shabeelaha hoose ee u dhaxeeyay Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamada AMISOM.

Wuxuu sheegay  afhayeenka Al-shabaab in ciidamadoodu ay dileen 39 Askari katirsan melleteriga Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, islamarkaana uusan qasaaro soo gaarin Ciidamadooda waa siduu hadalka u dhigee.

Dhanka kale  Afhayenka Xarakada Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Ragge  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal dhawan uu baahiyay wargeys laga leeyahay Mareykanka oo ka faalooda arrimaha malatariga kaasi oo daabacay in duqeyn lagu dilayAfhayeenkii Al-shabaab Shiikh Cali Dheere.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.