Home Afsomali Dhageyso Alshabaab oo dil Toogasho ah ka fuliyo Fagaare ku yaal goobaha...

Dhageyso Alshabaab oo dil Toogasho ah ka fuliyo Fagaare ku yaal goobaha uu sheegto in uu ka taliyo Maamulka hirshabelle

Fagaare ku yaalla degmadaas Buq’aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa Al-Shabaab waxa ay barqanimadii Maanta xukun dil toogasho ah ku fuliyeen Nin ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay ciidamada Jabuuti oo ka mid ah ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ee jooga Soomaaliya kuwaas oo hiiraan looga yaqaan qeyboio ka mid ah hiil walaal .

Boqolaal ka mid Shacabka degmadaas ayaa Goobta ku sugnaay kuwaas oo lagu wargeliyay Saakay in ay soo daawasho tagaan.

Ninka odayga ah ee la toogtay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cali Axmed Cadow oo da,diisa lagu sheegay  52 Sano jir,waxayna ku sheegeen in Nnkaan uu jaajuus u ahaa Ciidamada Jabuuti sida ay hadalka u dhigeen.

Qaadiga Maxkamadda aya goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka uu mutaystay Ninka ay ku sheegeen in u yahay Jaasuuska ee Cali Axmed Caddoow uuna la shaqeynayay ciidamada Jabuuti ee saldhigga ku leh galbeedka magaalada Jalalaqsi.

dhageyso codka qaadiga xukunka riday ee buqaqable.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.