Siyaasiga C/raxmaan Warsame ayaa ka hor yimid go’aanadii maanta ka soo baxay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoyga uu ka degan yahay Muqidsho.
Go’aanada Maxkamadda Racfaanka ka soo baxay oo ay ka mid ahaayeen in ay burburisay go’aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir ee ahaa in aan Racfaan la qaadan iyo in C/raxmaan ay ku soo rogtay xanibaad xaga safarada ah ayaa waxa ay ka dambeeyeen kadib markii maanta C/raxmaan C/shakuur uu hortegi waayay Maxkamadda oo laga sugayay.
Shirkiisa jaraa’id ayuu ku sheegay in Dacwadda xeer ilaaliyaha uu ka furay Maxkamadda Racfaanka ay tahay mid siyaasadeysan oo la doonayo in lagu xanibo dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in aysan wax wanaagsan aheyn xoriyadii uu siiyay Dastuurka in wax loogu dhimo hirgelinta dano siyaasadeed oo ay leeyihiin Madaxda xafiisyada Villa Soomaaliya.
Ugu dambeyntii C/raxmaan C/shakuur ayaa cadeeyay in aanan la aqbali karin go’aanada Maxkamadda Racfaanka ee ay maanta soo saartay, kuwaas oo lagu siiyay xeer ilaalinta baaris cusub.