Home Afsomali Dhageyso Dad Norway si qasab ah looga celiyey oo Dowlada ku eedeeyey...

Dhageyso Dad Norway si qasab ah looga celiyey oo Dowlada ku eedeeyey in ay lacago ku qaataan dib celinta Soomaalida ee dalkeeda

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
Garoonka Muqdisho waxaa maamula shirkadda Favori Bilihii u dambeeyay waxaa la sheegay in illaa iyo 10 qof oo Soomaali ah oo dhallinyaro u badan laga celiyay dalka Norway laguna celiyay meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah.

Dadkaasi ayaa isugu jiray kuwo sharciyada loo diiday iyo kuwo degenaansho heystay laakiin lagu eedeeyay inay markii hore musuq maasuqeen sida ay ku heleen degenaanshaha.

Dadka la celiyay waxaa ka mid ah Axmed Ashkir Cali oo dhawaan lagu celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Axmed ayaa sheegay in dad ka shaqeeya garoonka Muqdisho ay xiriir la leeyihiin dowladda Norway kalana shaqeeyaan dadka dalka lagu soo celinayo.

Wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa ka wareysatay sida loogu celiyay Muqdisho.

3 COMMENTS

Leave a Reply to Jãmá Mõüßē Jmc Qørâh Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.