Home Afsomali Dhageyso Faarax Macalin oo kobaha la dulmaray Munica Juma oo faafineysa in...

Dhageyso Faarax Macalin oo kobaha la dulmaray Munica Juma oo faafineysa in somali oo dhami Alshabaab yuihiin sir badana kashifay

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Keyna Faarax Macalin oo saxaafada gudaha u warramayay ayaa ugu horreyn ka hadlay xiisada u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo salka ku heysa arrimaha Badda.

Faarax Macalin ayaa sheegay inay horay wasiirka arrimaha dibada Kenya Munica Juma ay goojoog uga soo aheyd shirar ka dhan ahaa Soomaaliya, islamarkaana adduunka intiisa kale looga gudbanayo in dad xun ay yihiin Soomaalidu.

Waxa kale uu tilmaamay in haatan ay iyadu hormuud ka tahay khilaafkan, islamarkaana ay sii hurineyso, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Faarax Macalin ayaa ku eedeeyay dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga in ay gadaal riixayaan xiisadaasi.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Keyna ayaa carabka ku dhuftay in sirdoonada dalalkaasi oo ku xoogeysatay gudaha Kenya, islamarkaana ay qeyb weyn ku leeyihiin khilaafka sii xoogeysanayaa ee Soomaalia iyo Kenya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.