Home Afsomali Dhageyso Genaraal Muqtaar Xuseen Afrax oo si macquul ah ula hadlay bulshada...

Dhageyso Genaraal Muqtaar Xuseen Afrax oo si macquul ah ula hadlay bulshada Soomaaliyeed

Ku simaha taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ahna taliye ku xigeenka ciidankaas Genaraal Muqtaar Xuseen Afrax aya ugu baaqay Shacabka soomaaliyeed in ay Ciidamada kala Shaqeeyan Sugida amniga dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in wadaShaqeynta Ciidanka iyo Shacabka ay sahli karto in ay Ciidamadu ay si wanagsan ula dhaqmaan Shacabka taasna ay ka Go’an tahay ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Isaga oo siiwata hadalkiisa ayaa waxa uu intaas ku daray in Ciidanka Booliiska Soomaliyeed ay ka Go’an tahay sugida amniga dalka isla markaana ay balan qaadayaan in Hooyooyinka Soomaaliyeed aysan ka welwelin Caruurtooda xiliyada Waxbarashada ama Shaqooyinka ay aadayaan si nabad ahna ay ku soo laaban doonaan.

Dhamaan Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa mar walba waxa ay ku cel celiyaan in Shacabku ay kala Shaqeeyan ciidamada sugida amniga xiliyada ay howlgallada wadaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.