Home Afsomali Dhageyso Hanjabaada Alshabaab ee ku aadan ciidanmada dalka Uganda,Burundi,Kenya,Ethiopia,Jabuuti iyo kuwa Turkiga,ee...

Dhageyso Hanjabaada Alshabaab ee ku aadan ciidanmada dalka Uganda,Burundi,Kenya,Ethiopia,Jabuuti iyo kuwa Turkiga,ee jooga Soomaaliya

Afhayeenka Ciidamada Al Shabaabul Abuu Muscab oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa ka hadlay howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay gudaha,duleedka Muqdisho,gobalada Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe.

Sheekh Abuu Muscab ayaa ugu horeyntii ka hadlay weerar madaafiic ah oo saaka aroortii ciidamada Alshabaab  ay ku garaaceen saldhiga dowlada Turkiga ay ka sameysatay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xusay ineysan waxba is dhaamin ciidamada Kufaarta Uganda,Burundi,Kenya,Etopiya,Jabuuti iyo kuwa Turkiga,isagoona ku hanjabay iney sii kordhinayaan wweerarada ka dhanka dowlada Cadowga ah ee Turkiga.

Halkan Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id Ee Sheekh Abuu Muscab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.