Home Afsomali Dhageyso Hayaay Niinooyin lagu aasay garoonka kubada Cagta ee istadiyo ...

Dhageyso Hayaay Niinooyin lagu aasay garoonka kubada Cagta ee istadiyo Kons oo ay ka socdaan Cayaaraha Gobolada oo la soo saaray ka hor inta aan cayartoyda iyo dadka kale lagu haligin

Ciidamada Xasilinta iyo kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa wxa ay baaritaano ka sameeyeen Garoonka Kubadda Cagta Banaadir wxaana ay soo saareen miino lgu aasay Albaabka hore ee Garoonka.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Albaabka Weyn ee Garoonka Banaadir in laga soo bixiyay Miinadasi ka hor inta aysan qarxin.

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa sidoo kale Gudaha Garoonka Koonis waxa ay ka wadaan baaritaano kale oo ku aadan ogaanshaha in miinooyin kale ay ku jiraan gudaha.

Galabta ayaa la filayaa in ay ku wada Ciyaaraan Garoonka kooxo kala metelaya Galmudug iyo Banaadir.

Sidoo kale Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed ma shaacin in dib loo dhigay Ciyaartaas balse Wasaaradda Dhalinayarada iyo ciyaaraha ayaa sheegtay in Ciyaarta u dhaxeysa xulalka Banaadir iyo Galmudug ay dhici doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.