Home Afsomali Dhageyso Jawaari oo kicin iyo baraarujin wada iyo kulan lagu kala tagay

Dhageyso Jawaari oo kicin iyo baraarujin wada iyo kulan lagu kala tagay

Linkiga Hoose ka dhageyso codka jawaari 

Xalay waxaa xarunta Madaxtooyadda Soomaliya kulan ku yeeshay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka baarlamanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray talo soo jeedin ku aadan inuu dib u eegis ku sameeyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Somaliya Xasan Cali Kheyre golihiisa cusub ee wasiirada, waana taas mida dadajisay kulankan ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya.

Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid albaabada ay u xirnaayeen islamarkaana wax natiijo aysan kasoo bixin.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa qaatay talo soo jeedin ka timid xildhibaano boqol kor u dhaafaya oo sheegay in lagu xad gudbay habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, waxayna sheegeen in ra’isul wasaaraha looga baahan yahay inuu dib ugu laabto.

Dhanka kale Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa heysta muddo lix maalmood gudahood ah oo uu Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku horgeynayo golihiisa cusub ee wasiirada ee uu dhawaan magacaabay, waxaana u furan inuu wax ka bedelo golihiisa wasiirada iyo inuu sidooda u daayo.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.