Home Afsomali Dhageyso Kenya oo fududeysay duulimaadyadii iyo Viisooyinka Bulsho weynta Soomaaliyeed ka dib...

Dhageyso Kenya oo fududeysay duulimaadyadii iyo Viisooyinka Bulsho weynta Soomaaliyeed ka dib wadahadal

shirka-igad

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Saxaafada u sheegay in uu dowladda Kenya kala hadlay duulimaadyada ka duula magaalada Muqdisho ee la sii Marsiiyo degmada Wajer ee dhulka N.F.D,

halkaasi oo baaritaano lagu Sameeyo dadka diyaaradaha saaran ka dibna loo gudbiyo Caasimada dalkaasi ee Nairobi .

arintaasi uu kala hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Xasan Sheikh ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Kenya ay aqbashay in duulimaadyada ka duula magaalada Muqdisho in ay si toos uga degtaan magaalada Nairobi .

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay ka shaqeynta amniga labada dal ,lakiin ay haboon tahay inaan Soomaalida la dhibaateyn.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in uu Madaxweynaha kala hadlay in la fududeeyo Visooyinka Dadka Soomaaliyeed ee doonaaya in ay aadaan dalka Kenya.

Arintaan ayaa ka danbeysay ka dib xiligii jaadka la joojiyey tasi oo sababtay in dowlada Kenya ay dabciso dhibaatooyinkii ay somalidu kala kulmi jirtay safarada iyo dal ku galka keny.

5 COMMENTS

Leave a Reply to MohaMed Said Msm Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.