Home Afsomali Dhageyso Khilaaf hareeyey shirkii Wasiiradda Warfaafinta maamul goboleedyadda iyo wasaarada warfaafinta oo...

Dhageyso Khilaaf hareeyey shirkii Wasiiradda Warfaafinta maamul goboleedyadda iyo wasaarada warfaafinta oo qorshe aan la fileynin u jeedisay

Khilaaf ayaa soo gala dhexgalay Wasiiradda Warfaafinta maamul goboleedyadda iyo sidoo kale wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaana Khilaafkaan uu ka dhashay kulan shalay ka dhacay Muqdisho oo looga hadlaayay Badqabka Suxufiga.

Wasiiradda oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen in shirkaan lagu casuumay, islamarkaana markii ay yimaadeen ay la kulmeen wixii loo sheegay wax ka duwan.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa waxaa uu   sheegay in Wasiiradda maamul goboleedyadda ay joojiyeen Shirkaasi in ay qeyb galaan.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in qorsheyaal ka duwan kuwii ay filaayeen ay la kulmeen , islamarkaana qodobadii loo sheegay markii hore ay Wasaaraddu bedashay.

Magaalada Muqdisho ayaa shalay waxaa ka furmay Shir looga hadlaayay badqabka Suxufiga , waxaana shirkaasi oo buuq badan dhaliyay furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.