Madaxweynahii hore ee Galmudug oo Si Sharaf Badan u Salaamay Reysul Wasaaraha Dalka Mudane Hassan Ali Kheyre,
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad ka jeediyay Munaasabadii lagu Caleemasaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Ra’iisul wasaaraha ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Shacabka ku nool deegaanada maamulkaasi, isagoo u rajeeyay Hormar balaaran iyo inay ka shaqeeyaan Amniga iyo hormarinta dalka, isagoo sheegay inuu Salaan kaga wado Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii loo hirgalin lahaa Nidaamka Federaalka, iyo in laga shaqeeyo Sugida amniga iyo Hormarka dalka.
Sidoo kale wuxuu ku baaqay Ra’iisul wasaaraha in laga shaqeeyo Midnimada lagana tago Khilaaf iyo wax kasta oo dib u dhigi kara hormarka ay ku socoto Soomaaliya, wuxuuna xusay in hadafka uu yahay in la daboolo baahida shacabka Soomaaliyeed uu sheegay inay u baahan yihiin Amni, Dhaqaale iyo in shaqo loo abuuro Dhalinyarada.
Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale khudbadiisa ku soo hadal qaaday khilaafka dowlad Goboleedyada iyo Madaxda dalka waxa uuna sheegay in ay waqtigaan dadka Soomaaliyeed u baahneyn khilaaf.
Hoos ka Dhageyso Khudbada oo dhaneystira